Sunday, March 23, 2025
HomeWararSoomaaliya Oo Xubin Buuxda Ka Noqotay Suuqa Guud Ee COMESA.

Soomaaliya Oo Xubin Buuxda Ka Noqotay Suuqa Guud Ee COMESA.

Wasiiradda Garsoorka iyo Xeer-ilaaliyayaasha dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA waxay shalay kulan ku yeesheen Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka, kaasi oo ay ugu codeeyeen inay Somalia ka mid noqoto dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA.

Kulankaasi oo socday muddo hal maalin ah waxaa lagu saxiixay Heshiiska ay Somalia kaga mid noqonayso Mucaahadada Suuqa Guud ee COMESA ayaana qalinka lagu duuqay.

Hadal ka soo baxay Xoghaynta COMESA ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi timid, kadib, Wada-xaajood ay Dowladda Somalia iyo Dowladaha xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA bilowgii isbuucan ku yeesheen caasimadda dalka Zambia ee Lusaka.

Oggolaanshaha Somalia ee xubninnimadda Suuqa COMESA  waxay kordhisay tirada dalalka xubnaha ka ah Suuqaasi O OAH KAN UGU WEYN EE Ganacsiga Afrika, waxaana haaatan COMESA xubno ka ah 20-Waddan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe