Monday, April 15, 2024

Nagu Saabsan

Idaacadda Codka gobollada dhexe waa warbaahin madax banaan oo xoogga saarta ka hadalka arrimaha bulshada, fadhigeeduna yahay degmada Cadaado.

Idaacadda waxaa la aas aasay December 2009-kii, iyadoo ka hadasha mawjadda FM 89.9MHz, islamarkaana gaarta ilaa 90mk2, waxaana ay dhagaystayaasheeda todobaadkii la hadashaa 98-saacadood..

Codka gobollada dhexe, sidoo kale waxay ka qayb qaadataa horumarinta deegaanka, iyadoo soo daysa barnaamijyo joogto ah iyo farriimo gaagaaban oo ku aadan arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, sugnaanta cunada, maamul wanaagga, xuquuqul insaanka iyo ilaalinta amniga.