Thursday, April 18, 2024
HomeWararSaraakiil Hore Ee Itoobiya Oo Mareykanka Ku Edeeyay In uu Ku Lug...

Saraakiil Hore Ee Itoobiya Oo Mareykanka Ku Edeeyay In uu Ku Lug Lahaa Magacabista Abi Ahmed

Saraakiishii hore ee maamulka Tigreeda dalka Itoobiya ayaa dowladda Mareykanka ku eedeyay in uu isaga ka dambeeyay magacaabista Abiye Axmed ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya noqday.

Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Itoobiya una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa sheegay in uusan wax shaki ah uga jirin in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto uu kaalin muuqata ku lahaa xulashada Ra’isalwasaaraha hadda ee Itoobiya.

Sebaht Nega, oo khudbad ka jeediyanayay Jaamacadda Mekele ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Abiye uu ku yimid rabitaanka Mareykanka.

Laakiin safaaradda Mareykanka ee Adis ababa Afhayeen u hadlay ayaa beeniyay  sheegashada sarkaalka Tigreega ah,waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.

Afhayeenka Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa Nicholas Barnett, ayaa hadalka janaraalka howlgabka ah ku tilmaamay mid aan runta ku fadhiyin sidoo kalena heysan caddeeyn.

Donald Yamamoto ayaa dhawaan loo magacaabay danjiraha cusub ee Mareykanka u fadhiya Muqdisho,waxaana uu ka soo wareegay Dalka Itoobiya oo uu horay danjire uga ahaa.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe