Friday, March 29, 2024
HomeWararImaaraadka Oo Gar-gaarsiinaya Soomaaliland

Imaaraadka Oo Gar-gaarsiinaya Soomaaliland

Imaaraatka Carabta oo sheegtay in ay tahay Dowladii ugu horeysay ee gurmad siisa Dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Roobabkii iyo Duufaanadii iswatay ee ku dhuftay Deegaanada Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ay gargaar horleh ay u direyso Somaliland.

Howlahaan waxa ay sheegtay in ay ugu jawaabeyso dadka ku waxyeeloobay Duufaanta ee gargaar sugayaasha ah, kadib xubno ka socda oo kormeeray Goobaha Roobka uu ka da’ay.

Kaalmo ay gaarsiiyeen waxa ay ku sheegeen in ay aheyd mid hordhac ah, balse hadda ay qorsheynayaan Caawin guud oo deg deg ah in ay siiyaan Maamulka Somaliland si ay u gaarsiiyaan qoysaska ehelkooda, Xoolahooda iyo Hoygooda ku waayay Roobka.

Imaaraatka ayaa ka walaacsan Saadaasha lagu sheegayo in Duufaano horleh ay ku wajahan yihiin Gobolada Dhaca Waqooyiga Soomaaliya oo Bilawgii Todobaadkaan ay Duufaanta Sagar ku dhufatay.

Iyagoo ka jawaabaya Digniintaas waxa ay tibaaxeen in ay Kaalmo iyo Garab ay isugu darayaan Dadka isugu jiro Xoolo dhaqatada iyo Kalluumeysatada ee kunool Deegaanada laga cabsida qabo in ay ku wajahan tahay Duufaanta.

Dad ku dhaw 50-qof ayaa ku dhintay Roobkii Duufaanta watay ee ku dhuftay Gobolada Waqooyi Galbeed ee Maamulka Somaliland, waxaana jira dad wali la la’ yahay, iyadoona Xoolo badan ay baqtiyeen.

Dowladda Imaaraatka ayaa Diyaaradahooda Qumaatiga u kaca gar-gaar ugu daadisay qoysas ku go’doomay Gobolka Awdal, waxaana la socday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dalbatay in gacan lasiiyo Dadka dhibaatadu ka gaartay Duufaanta, Maadaama aanan Awood u laheyn u gurmashada Qoysaskaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe