Guddoomiyaha Deegaanka Ceel-cali Ee Gobolka Hiiraan Oo haatan Ku Sugan Magaalada Balad-weyne Ee xarunta Gobolka Hiiraan Ayaa Waxa uu Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey In Kooxda Al-shabaab Laga Qabsado Deegaankaasi Ceel-cali Oo Ay Muddo Ku Sugnaayeen.
Yarow Cumar Abiikar Guddoomiyaha Deegaanka Ceel-cali Oo Wareysi Siinayey Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee cadaado Ayaa Waxa Uu Sheegay In Hadda Al-shabaab Ay La’ Dagaallamayaan Shacabka Halkaasi Ku Nool.
Waxa Uu Tilmaamay In Deegaano Hor Leh Oo Hoos taga Ceel-cali Laga Qabsaday Al-shabaab Sida UU Sheegay Guddoomiyaha.
Ciidamada xoogga Dalka Ee Ku Sugan Gobolka Hiiraanm Oo Kaashanaya Kuwa Nabad Ilaalinta Midawga Africa Ee Amisom Ayuu Sheegay In Ay Dhawaan Deegaankaasi Ku Wajahan Yihiin Isla-markaana Al-shabaab Gebi-ahaanba Laga Saaro Deegaanka.
Ugu Dambeyntii Guddoomiye Yarow Ayaa Sababta Uu Shacabku Ugu Kacay Al-shabaab Ku Sheegay In Ay tahay Ka Dib Markii Duqeymo Lala dhacay Al-shabaab in Ay Xasuuqeen Shacabka Sida Uu Hadalka U Dhigay Guddoomiyaha.
Kooxda Al-shabaab Ayaa Deegaanka Ceel-cali Ee Gobolka Hiiraan waxa Ay Gacanta Ku Heysa Ku Dhawaad Muddo Afar Sano Iyadoona Maamulka Deegaankaasi Uu Yahay Mid Dibad Joog Ah.