Tuesday, September 26, 2023
HomeWararFaah-Faahin:-Qarax Ka Dhacay Liibiya

Faah-Faahin:-Qarax Ka Dhacay Liibiya

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay Wadada Istiqlaal oo horay loo oran jiray Wadada Jamaal Cabdinaasir ee Bartamaha Magaalada Bangasi ee dhacda Galbeedka Liibiya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka socday Bandhig Faneed ay sameynayeen Koox Fanaaniin Siiriyaan ah oo xulufo la ah Madaxweynaha Dalkaasi Bishaar Al-Asad.

Dadka dhimashada iyo Dhaawaca uu soo gaaray ayaa ah Shacab sida laga soo xigtay Warbaahinta Gudaha Liibiya.

Ciidamada Ammaanka Liibiya ayaa durba xiray Wadooyinka, Gaadiidka Gurmadka Deg deg ah ayaa bilaabay daabulista Dadka waxyeeladu gaartay.

Cidi Ma sheegan Mas’uuliyadda Weerarkaasi, Jeneraalka Howlgabka ah ee Marshal Khaliifa Belqaasim Xaftar ee Maamula Bariga Liibiya ayaa dusha ka saaray Mas’uuliyadda Weerarkaasi waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada.

Waxa uu amray Ciidamada U daacadda ah in ay sameeyaan Howlgal ay ugu falcelinayaan Weerarkaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa Mid Argagixiso.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe