Friday, March 29, 2024
HomeWararGuriga R/wasaarihii Hore Ee Malaysia Oo Laga Heley Lacago Badan Iyo Dahab

Guriga R/wasaarihii Hore Ee Malaysia Oo Laga Heley Lacago Badan Iyo Dahab

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Reuters,War ay soo saareen Booliiska dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Aarintani ayaa ka dambeysay kadib markii Baaritaanno lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla Kuala Lumpur,kaasi oo lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in ay jiraan balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay,waxaana raiisul wasaarihii hore ee Dalkaasi Najib Razak laftirkiisa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar,inkastoo uu eedaasi iska fogeeyey.

Madaxda Dawladda Malaysia ayaa sheegay in uusan wax gaf ah samaynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baaritaan ku billaabay.

Mr Mahathir  Maxamed oo ah ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaasi ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufulada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay,Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

Waxaa wararku ay intaasi ku darayaan in Askarta ay baartay 72 boorso oo laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe