Iyadoo 17-dii Bishan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Ahna Caasimadda KMG Ah Ee Koonfur Galbeed soomaaliya Uu kusoo Gaban-gaboobay Shirkii Ay Isugu Yimaadeen Madaxda Maamullada dalka Ayaa Qodobadii Kasoo Baxay Waxaa Ka hadlay qaar Ka Mid Ah aqoon-yahanada Soomaaliyeed.
Pro. C/raxmaan C/laahi daqarre Oo Ka Mid Aqoon-yahanada Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Muqdisho Oo la Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa waxa Uu Sheegay In Qodobadii Shirkaasi Kasoo baxay Ay yihiin Kuwa Si Weyn Uga Badelan Wax-yaabihii laga Filanayey.
Waxa Uu Tilmaamay in Eedeymihii Ay Madaxdu U Jeediyeen Hay’adaha faderaalka Ah Ee Soomaaliya Ay Ahaayeen Kuwa sax ah Oo La qaadan Karo waxa Uuna Intaa Ku daray In Eedeynta Dhanka Horumarka Ah si weyn Loo soo dhaweynayo.
Pro-ka Ayaa Madaxda maamullada Jubbalnd Iyo Puntland waxa Uu Ku eedeyey Safarada Ay Ugu Baxaan dalka Dibadiisa Waxa Uu Xusay Haddii Hoggaamiye Maamul Goboleed Uu Aadayo Safar dibadda Ah In Uu Fasax Ka Heysto Wasaaradda Arrimaha gudaha soomaaliya Ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya.
Dhinaca kale Pro-Daqarre ayaa Waxa Uu Ka Hadlay dagaalka Kasoo cusboonaaday Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Waxa Uuna Ku Baaqay in dagaalkaasi la Joojiyo Oo wada-xaajood la galo.
Waxa Uu Sheegay In Aysan Marnaba Suurta Gal Aheyn In Soomaaliya Kala Go’do waxa Uuna Intaasi Ku daray In Maamulka Soomaaliland looga Baahan yahay In Uu Soo daa-dago Oo Aysan Marnaba Ku Fakarin In Soomaaliya Ay Ka Go’aan
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhameystiran:-