Magaalada Hargeysa ayaa aad looga dareemayaa kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka, iyada oo ay jirto shiidaal yaraan soo foodsaartay guud ahaan somaliland.
Inta badan kaalmaha shiidaalka ee magaalooyinka waa weyn ee somaliland ayuu ka dhamaaday shiidaalkii, iyada oo inta haysana ay ku iibinayso qiime aad u sareeya oo Aysan Dadka Awoodin.
Shiidaal yaraanta iyo kor u kaca qiimaha shiidaalka ayaa ka dhashay, kadib markii haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera lagu shubay shiidaal wasakhaysan, kaas oo ilaa haatan ku jira isla markaana aanu wali soo gaarin shiidaal kale, oo ka taya iyo nadiif badan midka hada suuqyada qaarkiii yaala.
Kaalmaha shidaalka ee magaalooyinka somaliland ayaa inta badan waxa ka dhammaaday shidaalka gaar ahaana Baatroolka, taasina waxay sababtay in qiimaha shidaalka ay sare u kiciyaan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya iney jiraan kuwa faro ku-tiris ah oo iyagu sii iibinaya shidaal ay ka keeneen dalka Jabuuti Arrintan ayaa waxay cabsi galisay gaadiidleyda oo ka baqidin qaba sidii ay usii shaqayn lahaayeen, maalmaha soo socda haddii aan shidaal deg deg lasoo gaarsin Somaliland.
qiimaha baatroolka ayaa sare u kacay, waxaana halka litir magaaladda Hargeysa laga siinayaa 15,000 oo shilinka Somaliland ah, taasi oo noqonaysaa halkii ugu sarreysay ee uu gaaro taariikhda.
Xisbiyada mucaaridka ayaa shidaal yaraanta Soomaaliland ka taagan dhaliisheeda dusha u saareen xukuumadda oo ay sheegeen inay iyadu wareejisay keydkii haamaha shidaalka, “laba sanno iyo bar kahor ayaa xisbiga Ucid uu sheegay dhibaatooyinka ka iman kara haddii haamaha shidaalka la wareejiyo, dhibaatooyinkii maanta waanu aragnaa.” Sidaa waxa yiri xoghayaha warbaahinta ee xisbiga Ucid Keyse.
dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin shiidaal yaraanta soo foodsaartay deegaanada maamulka Soomaaliland iyo qiimaha cirka isku shareeray.