Wax-garadka Kasoo Kala Jeeda Degmooyinka Balan-Bal Iyo Guriceel Ee Gobolka Gal-gaduud Ayaa Maanta Ka Heshiiyey Dil 25-Kii Bishaan Sii Dhamaaneysa Marxmuun Mahad Raawe Xasan loogu Geystay Deegaano hoos Taga Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud.
Marxuumka Geeriyaaday Ayaa Maanta Laga Baxshay Duug Iyo Karfin Iyadoona Laga Dhimaya Qaybaha Kale Ee Dhiman Iyo Xoojinta Nabadda Beelaha Walaalaha Ah Ee Halkaasi wada Dega.
Guddiga Nabad-Gelyada Iyo Xasilinta Gal-mudug Iyo Golaha Odayaasha Dhaqanka Ayaa Ku Sugnaa Madashan Ay Ku Wada Hadlayeen Odayaasha Labada Beelood.
Intaasi Ka Dib Waxaa Saxaafadda La Hadlay Odayaasha Labada Dhinac Waxa Ayna Ka Warbixiyeen Waxyaabaha La Isku Af-gartay Iyo Habka Loo Marayo qaybaha Kale Ee Dhiman.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Odayaasha:-

