Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Gobolka Gedo dhigtay Gogol ay isugu imaanayaan mas’uuliyiinta maamulkaas, Siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo dhinacyo kale si ay uga tashtaan Mustaqbalka Gobolkaas sida hadalka loo dhigay.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo isla markaana tagay gogosha ayaa fariin u diray shaqsiyaadka fadhigaas isugu tagay.
Waxa uu xusay in xalka Gobolka Gedo uu yahay in ay wadatashi ka sameeyaan Dadka kasoo jeeda isaga oo meesha ka saaray in meel looga soo wada jeysto siyaasadda lagu kala qaybiyay ee saamaynta taban ku reebtay sida yiri.
“Xalka Gobolka Gedo waa in wadatashi la isugu yimaado si loo wada noolaado, Siyaasadda xeer lagu kala baxo ayay leedahay ee aan wada noolaanno, hal ciidan ayaan wada nahay, waana in la is qadariyaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan

