Diyaarado Joog Hoose Ku Socda Ayaa Maanta Abaare 10:30 Ee Barqanimo Waxa Ay Duqeyn Ka Geysteen Deegaanka Ardo Oo Qiyaastii 45 Km Dhinaca Bari Kaga Beegana Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Gal-mudug.
Qaar ka Mid Ah Dadka deegaanka Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe  Ayaa Ii Sheegay In Goobta Diyaaraduhu Duqeyeen Ay aheyd Goob Banaan Ah Oo An La Daganeyn Isla-markaana Aany Jirin Cid Wax ku Noqotay.
Diyaaradaha Ayey Ku Sheegeen In Ay ahaayeen Illaa Labo diyaaradeed Balse Ay Hal Diyaarad Duqeynta Geystay.
Cali Max’ud Axmed Oo Ka Mid Ah Dadka deegaanka Ardo Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Sheegay In Maanta Waxa ka Dhacay Ardo Ay Ahaayeen Wax Arga-Gax Geliyey Dadka Deegaankaasi Ku Dhaqan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Mid Ka Mid Ah Dadka deegaanka:-

