Taliska Ciidanka Uganda ayaa shaaciyay in ay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya, kuwaasi oo la filayo in ay qeyb ka noqdaan howlgalka AUSSOM ee ka socda gudaha dalka.
Ciidamadan ayaa waxaa magaalada Kambala loogu soo gaba gabeeyay tababar la xiriira la dhaqanka bulshada iyo ilaalinta dadweynaha, waxaana ay garab siin doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidamada Lugta Uganda, Sarreeye Guuto Fred Mwesigye oo la dardaarmay Ciidankan ayaa sheegay in looga baahan yahay kaalin ay ka qaataan dagaalka AS gaar ahaan in ay xaqiijiyaan Amniga gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe.
Si gaar ah qaar kamid ah Ciidamada ayaa lagu ammaanay kaalinta ay ka qaateen Howlgalka Duufaanta Aamusan oo ay bilihii la soo dhaafay ka wadeen gobolka Shabeellada Hoose.
Ciidamada Uganda ayaa ah Askarta ugu badan ee ka tirsan Howlgalka AUSSOM oo Dowladda Federaalka Soomaaliya siiya taageero Amniga iyo Tababarada Ciidamada.
Tillaabada ay Uganda Ciidamada ugu soo direyso Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa xilli sanadihii la soo dhaafay howlgalka AUSSOM uu wajahay daruufo Dhaqaale, ka dib markii ay qaar kamida ah Beesha Caalamka ka gaabsadeen taageeradii ay bixin jireen.

