Sunday, March 23, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Khasaare Ka Dhashay Iska Hor Imaad Ka Dhacay Aagga-Tukaraq

Dhageyso:- Khasaare Ka Dhashay Iska Hor Imaad Ka Dhacay Aagga-Tukaraq

Xilli War-Baahinta Gudaha Qaarkood Ay Qoreen In Maanta Ciidamo Kawada Tirsan Kuwa Maamulka Puntland Ay Ku Dagaallameen Aagga Deegaanka Tuke-Raq Ee Gobolka Sool Gaar Ahaana Halka Lagu Magacaabo God Qaboobe Ayaa Arrinkaasi Waxaa Beeniyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland.

Xeyle Xasan Shire Guddoomiyaha Deegaanka Boocame Ee Gobolka Sool Oo  La Hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa Ii Sheegay In Aysan Jirin Iska Hor Imaad Dhex-maray Ciidamada Maamulka Puntland.
Waxa Daggaallamay Ayuu Guddoomiyuhu Ku Sheegay In Ay Yihiin Kooxo Qaad Walo Ah Iyo Kuwa Jidka U Galay Oo Isku Dayey In Ay Qaadka Xoog Ku Qaataan Taas Oo Ugu Dambeyn Sababtay In Israsaaseyn Dhex-Marto.
Guddoomiye Xeyle Waxa Uu Tilmaamay In Hal Ruux Oo Ku Geeriyooday Is-Rasaaseyntaas Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Ninka Geeriyooday Uu Ka Mid Raggii Qaadka Watay.
Raggaan Qaadleyda Ah Ee Jidka Loo Galay Ayuu Sheegay In Ay Ka Yimaadeen Dhinaca Magaalada Laas-Caano Ee Xarunta Gobolka Sool Kuwaas Oo Qaadka U Waday Dhinaca Magaaalada Garoowe Ee Caasimadda Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha:-
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe