Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweynaha jamhuuriyadda Faderalka Ah Ee Soomaaliya uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Gar-yaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa siyaabo kala Duwan waxaa uga hadlay masuuliyiin iyo xubno kale oo siyaasiin ah Kuwaas Oo Intooda Badan Madaxweynaha Ku Eedeynayey In Uusan Sharci U Marin Xilka Qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka
Siyaasiinta iyo Masuuliyiinta ayaa ku kala aragti Duwan in Madaxweynaha uu xilka ka qaadi karo iyo in kale, Inta badan dadka ayaa qaba iney Muhiim aheyd go’aanka Madaxweynaha Sharcina ay tahay inuu sameeyo xil ka qaadista maadaama uu meesha ka maqan yahay Guddiga Adeegga Garsoorka.
Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Oo mar Soo noqday Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa qoraal uu Bartiis Twitter-ka soo dhigay waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha uu ku saxan yahay Xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyaha maxkmadda Sare Sharcina ay tahay maadaama uusan Jirin Guddiga Adeegga Garsoorka Dalka.