Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ee SOSCENSA Diini Maxamed Diini; ayaa sheegay in xilka qaadistii dhawaan uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare aysan waa faqsaneyn sharciga.
Waxa uu sheegay in Dastuurka KMG ah iyo Dastuurkii 60kii labaduba aysan ku jirin hannaanka uu Madaxweynaha u maray xilka qaadista Ibraahim Iidle Suleymaan.
Guddoomiye Diini ayaa sheegay in xilka qaadista ay tahay in uu soo jeediyo Guddiga adeegga garsoorka kaas oo aanu dalku lahayn hadda.
Waxaa uu XUkuumadda  Xasan Cali Kheyre; ku eedeeyay  in aysan ka shaqeyneyn dhismaha Guddiga adeegga garsoorka oo ay tahay in uu soo maro Golaha Wasiirrada kaddibna Madaxweynaha ansixiyo.
Diini,ayaa sheegay in xitaa haddii ay tahay in Madaxweynaha isbddel ku sameynayo garsoorka ay ahayd in uu xilka ka wada qaado Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka sare iyo Gobolka Banaadir.
Ibraahim Iidle ayaa laftiisa diiday xilka qaadista uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay,waxaana uu ku dooday in xilka qaadistaas ay baal marsan tahay xeerarka dalka u yaalla.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka qaadista Ibraahim ku sheegay in ay qeyb ka tahay isbdelka dhinaca garsoorka ah ee uu ballan qaaday in uu sameynayo xilligii ololaha doorashada.