Saturday, March 22, 2025
HomeWararKenya Oo Sara U Qaaday Lacagta Magta Ah Oo Ay Ka Qaadato...

Kenya Oo Sara U Qaaday Lacagta Magta Ah Oo Ay Ka Qaadato Askarta Looga Dilo Soomaaliya agari tea

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay sare u qaadday lacagta Magdhowga ah ee laga siiyo Askarta looga dilo Soomaaliya ee ka midka ah howlgalka AMISOM.

Dukumiintiyo laga helay Waaxda Maaliyadda Dowladda Kenya ayaa muujinaya in Kenya ay magdhow ahaan u dooneyso lacag dhan Sh7.05 Bilyan oo lacagta Kenya ah.

Afartii sano ee la soo dhaafay Kenya waxaa ay Magdhow ahaan u qaadaneysay lacag dhan Sh6.1Bilyan,waxaana ay hadda sheegtay in laga billaabo sanadka cusub ee howlgalka oo ka billaabanaya Bisha July ay dooneyso in lacagtaas la kordhiyo.

Lacagahaas waxaa la filayaa in ay hoos u dhacaan labada sano ee soo socota iyada oo laga dhigayo Sh5 bilyan iyo Sh3.5 bilyan oo shilinka Kenya ah.

Qaramada Midoobey ayaa Bishii May ee la soo dhaafay bixisay lacag dhan Sh4.68 Bilyan oo ah Mushaarka Ciidanka Kenya ee tobankii bilood ee la soo dhaafay iyada oo hdowr jeer ooh ore uu dib u dhacay  mushaar bixinta.

Kenya waxaa  Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari,kuwaas oo ka mid ah howlgalka AMISOM,midkastana mushaarkiisu waxaa uu gaarayaa $1,028  oo dollar.

Lacagtaas $800 oo ka mid ah ayuu Askariga mushaarkiisa saxda ah yahay iyada oo inta kale ay dowladda ka jaraneyso Askariga ku jira AMISOM.

Ciidamada ku jira AMISOM waxaa ay ka socdaan dalalka Kenya,Itoobiya,Jabuuti,Uganda, Burundi iyo Sierra Leon,waxaana ay dalka ka howlgalayaan 11kii sano ee la soo dhaafay.

https://holistickenko.com/matcha/

https://holistickenko.com/matcha/

agari tea

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe