Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in is baddel wanaagsan oo muuqda oo dhanka Amniga ah uu ka jiro Magaalada Muqdisho.
Axmed Fiqi ayaa sheegay in qofka raba in uu dareemo isbaddelkaas in marka hore uu ka baxo Magaalada Muqdisho isla markaana uu tago deegaannada duleedka ka ah Caasimadda xiligaasna uu dareemi karo isbaddelkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Did u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa dhanka kale bogaadiyay Saraakiisha & Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgallada Amni sugidda ah kawada Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in howlgallada ay sii soconayaan maadaama ‘La Mahdiyay’ kana go’an tahay Dowladda Federaalka sidii loo adkeyn lahaa amniga oo ah howsha ugu horreysa ee laga sugayo waa sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Fiqi.
“Amniga waxa aad dareemeysaa marka aad ka baxdid qulqulkaan yarka ah, yacnii saameynta howlgalkaan Dowladdu ay qaadday iyo dib u xorreyntaan waxa aad dareemeysaa marka aad xoogaa Xamar ka durugtid, Laakiin qofkii ku wareega intaan waxa uu weli waxa uu maleynayaa xaalka in la joogo dhowr sano kahor sidii la ahaay oo kale oo Shabaabkii meelahaan inoo fadhiya oo Canshuurtii iska uruursanaya oo kale” Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS.
Magaalada Muqdisho waxaa howlgallo amni sugid ah kawada Ciidamo katirsan Booliiska, Nabadsugidda iyo kuwa Booliiska sida Militariga u tababaran, goobo cusub oo hubin ah ayay ka sameysteen waddooyinka & xaafadaha Caasimadda.