Monday, June 16, 2025
HomeWararCiidamada xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano horleh & howlgallo ka...

Ciidamada xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano horleh & howlgallo ka socda

Ciidanka xooga dalka oo kaashanya dadka degaanka ayaa howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen ayay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay

Dhankale Taliye Saneey Cabdulle oo fariin u diray Al-Shabaab ayaa yiri. “Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah jano ayaan doonaynaa hanaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”

Wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilowday waxaana ilaa iyo hada lagala wareegay dhul farabadan oo kuyaalla Gobolka Galgaduud, sida Sabansableey iyo Ceelafwayn oo u dhow degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe