Friday, October 30, 2026
HomeWararGudahaCiidamo gudaha u galay xarunta Lamagalaay ee Beledweyne, Muuse Salaad oo la...

Ciidamo gudaha u galay xarunta Lamagalaay ee Beledweyne, Muuse Salaad oo la sheegay in la raadinayo

Xaaladda siyaasadeed iyo amni ee magaalada Beledweyne ayaa mar kale yeelatay weji cusub, kaddib markii muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujiyeen ciidamo hubeysan oo gudaha u galay xerada Lamagalaay, halkaas oo ay ku yaallaan xarumaha maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle.

Wararka laga soo sheegayo magaalada ayaa tilmaamaya in ciidamada gudaha u galay xerada ay raadinayaan Muuse Salaad Weheliye, oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee uu magacaabay maamulka Hirshabeelle. Waxaa sidoo kale jira sheegashooyin sheegaya in qorshuhu yahay in Muuse Salaad laga saaro magaalada ama laga tarxiilo.

Wararka kale ee ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in ganacsade Bashiir Afeey uu la wareegay xaruntii maamulka gobolka Hiiraan ee ku taalla xerada Lamagalaay. Bashiir Afeey ayaa lagu tilmaamay inuu xiriir qaraabonimo dhow la leeyahay Cabdifataax Xasan Afrax, oo ka mid ah mas’uuliyiinta cusub ee Hirshabeelle.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in xubno ka tirsan Macawiisleyda ay qayb ka yihiin ciidamada gudaha u galay xerada, isla markaana ay gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah xarunta.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka Hiiraan ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira magacaabista maamulka gobolka iyo doorka Hirshabeelle ku leedahay hoggaaminta Hiiraan.

19-kii Oktoobar 2026, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed Carab, isaga oo xilkaas u magacaabay Muuse Salaad Weheliye. Go’aankaas ayaa yimid xilli ay jireen muranno la xiriira maamulka gobolka iyo qaybsiga dakhliga canshuuraha ee laga ururiyo magaalada Beledweyne.

Magacaabista Muuse Salaad ayaa qayb ka noqotay khilaafka siyaasadeed ee muddada ka taagnaa gobolka, iyadoo ay jiraan dhinacyo aan isku aragti ka ahayn qaabka maamulka Hirshabeelle u wajahayo arrimaha gobolka Hiiraan.

Xerada Lamagalaay waa xarun muhiim u ah maamulka gobolka Hiiraan iyo hay’adaha maamulka Hirshabeelle ee ku sugan Beledweyne. Sidaas darteed, dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan oo ka dhaca gudaha xerada wuxuu saamayn ku yeelan karaa xaaladda amni iyo shaqada xarumaha maamulka.

Magaalada Beledweyne ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay laga soo sheegay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira imaatinka mas’uuliyiinta Hirshabeelle. Warbixinno hore ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo iyo hub dheeraad ah la geeyay qaybo ka mid ah magaalada, xilli ay taagnayd xiisad ku saabsan wafdi maamulka ka socda.

Dhanka kale, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay hadal lagu sheegay in dhinacyada ku lugta leh xaaladda aysan isku arkin inay yihiin cadow ciidan, iyadoo la adeegsanayo weedha: “Anagu milateriga weerar kuma nihin, isku cadaw ayaan nahay.”

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe