Sunday, November 9, 2025
HomeWararGudahaWafdi wasiirro ah oo booqday degmada Godinlabe iyo deegaano hoos yimaada

Wafdi wasiirro ah oo booqday degmada Godinlabe iyo deegaano hoos yimaada

Wafdi uu hugaaminayo wasiirka wasaaradda waxbarashada dowlad goboledka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhoorre oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bini’aadanimada Maxamed Khaliif iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Salaad ayaa maanta soo gaaray degmada Godinlabe ee gobolka Galgadud waxaana wafdiga soo dhaweeyey guddoomiyaha degmada Godinlabe Cabdullaahi Xirsi Shidane oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka.
Safarka wafdiga ayaa la xiriira kormeerka iyo u kuurgalidda xaaladaha bini’aadanimada iyo waxbarashada, waxa ayna booqdeen kaamamka ku yaala degmada Godinlbe iyo deegaanada hoos taga.
Mas’uuliyiinta maamulka degmada Godinlabe ayaa wafdiga uga warbixiyey xaaladaha ay ku suganyihiin dadka ku soo barakacay Godinlabe, kuwaas oo isugu jira qaar ay soo barakiciyeen kooxda Al-shabaab iyo kuwa abaarihii la soo dhaafay ku xoolo beelay.

Deegaanada ay booqdeen Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa kamid ahaa dhagaxdheer iyo Kayn-wabax waxa ayna dhamntood hoos tagaan degmada godinlbe ee gobolka Galgaduud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe