Friday, July 18, 2025
HomeWararKenya iyo Jabuuti oo gaaray heshiis ay ku farxeen shacabka labada dal

Kenya iyo Jabuuti oo gaaray heshiis ay ku farxeen shacabka labada dal

Madaxda dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa gaaray heshiis muhiim u ah isku socodka shacabka labada dal , kaa oo meesha ka saaraya shuruudihii dal ku galka ee muwaadiniinta labada dal horey loogu xiri jiray.

Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyay heshiiska dhinac gaareen ,waxa ayna muujiyeen ka go’naanshaha ah inay dhameystiraan heshiiska socdaalka shaqaalaha ee labada dal.

“Kenya waxay soo gabagabaysay habraacyo lagama maarmaanka u ah in muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Djibouti ay si bilaash ah ku tagaan Kenya,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay sidoo kale aqoonsan doonaan shahaadooyinka tacliimeed ee laga helo labada dal ee fursadaha shaqo la xiriira.

“Waxaan madaxweynaha ku wargeliyay in Kenya ay ardayda Jabuuti u fidinayso 300 oo boos oo ka mid ah jagooyinkeenna tacliinta sare iga oo laga qaadayo kaliya khdimadaha aradada Kenya laga qaado,” ayuu yiri.

Heshiiska ay gaareen madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Kenya waxaa soo dhaweeyay kuna farxay shacabka labada dal, oo mararka qaar dhibaato ku qabay shuruudaha ku xiran dal ku galka ama viisaha ay dalalkaasi lagu tago.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe