Madaxweynaha JFS mudane Xasan Maxamuud oo ka qeybgalaya meertada 14-aad ee shirka IGAD ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiima oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, islamarkaana ay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Khawaarijta ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.
Waxa uu ka codsaday madaxda inay kala shaqeeyaan wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo wadamada safka hore ay ku yabooheen inay ciidamo ku taageerayaan, si loo wiiqo awoodda argagixisada.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somaliya dib ugu soo laabtay.
Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiimah oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay

