Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa lagu waddaa in uu maanta taggo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonkaro.
Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli doono xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda maamul ee Somaliland iyo Puntland.
Qaramadda Midoobey ayaa dooneysa in la dejiyo Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan degaankaasi, Maadaama wali ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Madaxweyne Gaas ayaa horay ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay soo farageliso Xaaladda degaanka Tukaraq.