Sunday, March 23, 2025
HomeWararDowladda Ireland Oo Lacag dhan 3 milyan ugu deeqday Soomaaliya.

Dowladda Ireland Oo Lacag dhan 3 milyan ugu deeqday Soomaaliya.

Dowladda Ireland ayaa sheegtay in ay dhaqaalle ugu deeqdaySoomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Simon Coveney  iyo Wasiirka Horumarinta Ireland Ciarán Cannon ayaa  ku dhawaaqay deeq lacageed oo dhan 3 milyan oo Yuuro oo ku saabsan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya.

Sanadkii 2017, Ireland waxay bixisay lacag gaaraysa € 6.7 milyan si ay u taageeraan dadaalka lagu yareynayo dhibaatooyinka bini’aadannimo ee Soomaaliya. Caawinaadaasi waxaa bixiyay hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada ee Ireland.

Waxaa lagu qiyaasey in 5.4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa gudaha ku barakacay, waxaana ay u baahan yihiin in la caawiyo sidda ay sheegtay dowladda Ireland.

Waxaa ay sidoo kale dowladda Ireland ay sheegtay Bishii la soo dhaafay, daadadkii ay sii xumeeyeen  xaalad bani’aadamnimo  ee ka taagan Gudaha Soomaaliya,waxaana ku barakacay  in ka badan 220,000 oo  Qof.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe