Sunday, March 23, 2025
HomeWararDEG DEG:-Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

DEG DEG:-Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degmada Dharkeenley Kooxo hubeysan ayaa goor dhow halkaasi ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Suuq yaraha ee Degmada Dharkeenley, waxaana dilkiisa loo adeegsaday Bistoolad.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in kooxaha hubaysan ay ka dhaceen taleefoonkiisa gacanta,ka dib markii ay dileen.

Wiilka la dilay oo la murmay dableyda, islamarkaana diiday inuu dhiibo taleefoonkiisa gacanta, ayaa ugu dambeyn taasi waxa ay sababtay in xabado ay ku dhuftaan dableyda, kadibna ay ka qaataan taleefoonkiisa gacanta.

Kooxihii hubaysnaa ayaa meeshaasi ka baxsaday, waxayna horay u sii qaateen taleefoonkii uu watay marxuumka ay dileen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe