Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka ayaa Sheegaya in Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha uu ka badbaaday, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo la hadlay VOA.
Qaraxa oo ahaa mid Lalabeegsaday Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey wuxa uuna ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.