Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaDagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo

Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo garan ka helaya kuwa Federaalka ayaa la sheegay in ay duullaan ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Laftagareen oo duleedka Magaalada Baydhabo ah.

Dagaalkaan waxaa ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aan la shaacin inta uu gaarsiisan yahay maadaama goobta lagu dagaalamay ay isaga guureen dadkii deegaanka ahaa ee halkaas ku sugnaa.

Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah saldhigyadii ay kasoo duullaan tagayeen Ciidanka Laftagareen iyo maxaabiis sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamo ka amar qaata madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhowr jeer weeraray Magaalada Baydhabo iyo Saldhigyada ku yaalla duleedka Magaaladaas, waxaana ujeedka duullaankooda ku sheegeen in ay doonayaan dib u qabsashada Xarunta Gobolka Baay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe