Thursday, February 12, 2026
HomeDhageysiDHAGEYSO:-MD Farmaajo oo ku soo wajahan Dhuusa-mareeb.

DHAGEYSO:-MD Farmaajo oo ku soo wajahan Dhuusa-mareeb.

waxaa xalay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Galmudug lagu soo gaban-gabeeyay wajiga 1aad ee Shirka wada tashiga Madaxda Maamul goboleedyada oo looga hadlay arimo muhiim u ah siyaasada Soomaaliya.

wajiga 2aad ee shirkaa ayaa loo balansanyahay in uu ka furmo dhuusa-mareeb waxaana furitaankiisa ka soo qayb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre sida uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Martida loo yahay ee Axmed cabdi kaariye Qoor-qoor.

Dhanka kale xogo aan ka helayno Xaafiisyada MD Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare khayre ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka ay aqbaleen ka qayb galka wajiga 2aad ee shirka Dhuusa-mareeb iyada oo qorshahu yahay in maanta uu Caasimada Galmudug soo gaaro Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo kadibna uu imaan doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Farmaajo.

WIXII SOO KORDHA HALKAAN ISHA KU HAA

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe