Saturday, May 30, 2026
HomeWararSoomaliland Oo Xabsiga Dhigtay Abwaan Saciid max'ud Gaheyr

Soomaliland Oo Xabsiga Dhigtay Abwaan Saciid max’ud Gaheyr

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaaliland, ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen Abwaan Caan ka ahaa Degaannada Soomaaliland.

Abwaanka la xiray ayaa waxaa lagu Magacaaba Saciid Maxamuud Gaheyr,waxa uuna sidoo kale ka mid yahay Qorayaasha Degaannada Soomaaliland.

Dhicana kala Abwaanka ayaa ka sheegay iney u yimadeen Ciidamo Boolis ah,isla markaana ay Xabsiga u taxabeen,isla markaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn Sababta ka dambeysa Xarigiisa.

Sidoo kale waxaa Xusid mudan in Abwaan Saciid Maxamuud,ay dhowr mar ay xireen Ciidamada Ammaanka Soomaaliland,kadib markii uu qoray Qoraalo uu kaga hadlayo Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira Degaannada Soomaaliland.

Ma Jiro Wax War Oo Kasoo Baxay laamaha Ammaanka Soomaaliland Oo Ku Aadan Xariga Maanta hargeysa Loogu Geystay Abwaan Saciid Max’uud Gaheyr.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe