Home Warar Sawirro:- Taliyaha Cusub Ee Qaybta 21-Aad Oo Maanta Xilka La Wareegay

Sawirro:- Taliyaha Cusub Ee Qaybta 21-Aad Oo Maanta Xilka La Wareegay

425

Taliyihii hore ee Qaybta 21aad Gen. Claahi Aadan Xuseen “Cirro” ayaa maanta si rasmi ah xilka Taliyaha qaybta ugu wareejiyay Taliyaha dhowaan lasoo magacaabey S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir “Kaanti” waxuuna Ciidamada kula dardaarmey in ay la shaqeeyaan Taliska cusub.

S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir “Kaanti” ayaa uga mahad celiyay dhankiisa Taliskii isaga ka horeeyay shaqadii uu qabtey, isagoo ciidamada kula dardaarmey in aysan Ku milmin Colaadaha Beelaha iyo Waxyaabaha la midka ah ee Habsan ka galinaya shaqadooda.

Ugu dambeyn Abaanduulihii Hore ee Qaybta 21aad G/Sare Ckariin Garabeey ayaa Xilka ku wareejiyay Abaanduulaha Cusub

G/sare Xusseen Xoosh.

Munaasabada ayaa lagu qabtey Xarunta Taliska Ururka 43aad Guutada 13aad ee Qaybta 21aad oo ku taala duleedka Magaalada Cadaado.

Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir “Kaanti”  Ayaa Shalay Waxa Uu Soo Gaaray Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Iyadoona Garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyeen Askarta Iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad