Maalin Ka Hor Warqad Qoraal Ah Oo Kasoo Baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Lagu Sheegay In Dalka Aan Looga Baahneyn Ergeyga Xog-hayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.
Wasaaraddu Go’aankaasi Eryidda Ah Waxa Ay U Cuskatay In Haysom Uu Jabiyey Hab Maamuuskii Xaafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Isla-Markaana OO Si Toos Ah U Fara-Geliyey Arrimaha Gaarka Ah Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Balse Go’aankaas Ayaa Waxaa Si Yaabo Kala Duwan Uga Hadlay Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Soomaaliya Kuwaas Oo Qaarkood Sheegay In Dawladdu Ku Fududaatay Go’aankaasi Isla-Markaana Ay Jiran Wadooyin Uga Haboonaa In Ay Maraan Halka Siyaasiyiinta Qaarna Ay Si Buuxda U Taageeren Go’aanka Dawladda.
C/raxmaan Cabdulle Mara-Cadde Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Soomaaliya Isaga Oo Ku Sugan Muqdishana La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Dalka Ayaa Si Buuxda U Taageeray Go’aanka Dawladdu Dalka Kaga Erisay Nicholas Haysom Oo Ah Wakiilka Xog-hayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Siyaasigu Waxa Uu Tilmaamay In Haysom Uu Ka Hadlay Arrimo Aan Loo Baahneyn Iyo Hawl Aan Isaga Quseyn Isla-Markaana Warqad Amar Uu Ka Muuqdo U Diray Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Taas Oo Muujineysa In Danjiruhu Hareer Maray Hawlihii Loo Igmaday Sida Uu Sheegay Siyaasi Mara-cadde.
Dhinaca Siyaasiga Ayaa Wax laga Xumaado Ku Tilmaamay Dagaal Beeleedka Kasoo Cusboonaaday Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Halkaas Oo Ay Dhawaan Ku Dagaallameen Labo Beelood Oo Walaalo Ah.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gal-mudug Wax-garadka Gobolka Iyo Culimada Ayuu Ugu Baaqay Siyaasigu In Ay Dhexda U Xirtaan Sidii Ay U Baajin Lahaayeen Colaadaasi.
Sidoo Kale Idaacadaha Ka Hawl-gala Gobolka Ayu
u Ka Dalbaday In Ay Kaalin Ka Qaataan Sidii Loo Damin Lahaa Xiisadda Colaadeed Ee Kasoo Cusboonaatay Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud.