Tuesday, October 15, 2024
HomeDhageysiDhageyso:-Xisbiga Wadani Oo Iska Diiday Ka Qayb Galka Shirka Xisbiyada Soomaaliland

Dhageyso:-Xisbiga Wadani Oo Iska Diiday Ka Qayb Galka Shirka Xisbiyada Soomaaliland

Ka Dib Shir Jaraa’id Oo Ay Magaalada Hargeysa Ku Qabteen Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ee Soomaaliland Ayaa Waxa Ay Kaga Hadleen Arrimo Dhawr Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin Doorashada La Filayo In Deegaanada Soomaaliland Ka Qabsoonto.

Xubnahaan Shirka Jaraa’id Qabtay Ayaa Sidoo Kale Ka Hadlay Shir Weyne Ay Yeelab Lahaayeen Saddexda Xisbi Siyaasaded Ee Soomaaliland Kaas Oo Lagaga Arrinsanayey Arrimo Badan Oo La Xariira Xaaladda Siyaasadeed Ee Deeganada Soomaaliland.

Balse Saraakiishaan Ka Tirsan Xisbiga Wadani Ayaa Si Cad U Sheegay In Aysan Diyaar U Aheyn Ka Qayb Galka Shirkaasi Iyaga Oo Sababtana Ku Sheegay In Xisbiga Haya Talada Soomaaliland Ee Kulmiye Jabiyey Qodobo Dhawr Ah Oo Horay Loogu Heshiiyey Kuwaas Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Sidii Laga Yeeli Lahaa Doorashooyinka Kusoo Wajahan Soomaaliland Iyo Qaabkii Ay U Dhici Lahaayeen.

Hadalkaan Kasoo Yeeray Saraakii

sha Xisbiga Wadani Ee Soomaaliland Ayaa Waxa Uu Kusoo Aadayaa Xilli Dhawaan La Qorsheynayey In Hargeysa Uu Ka Qabsoomo Shir Weyne Ay Yeelan Lahaayeen Saddexda Xisbi Siyaasadeed Ee Soomaaliland Balse Saraakiishan K aTirsan Wadani Ayaa Si Cad U Sheegay In Aysan Marnaba Ka Qayb Geli Doonin Shirkaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Oo Dhameystiran:-

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe