Home Warar Shir looga Hadlay Amniga oo ka dhacay Moqokori.

Shir looga Hadlay Amniga oo ka dhacay Moqokori.

201

Kulan loogu hadlaayay amaanka guud ee degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay degaankaasi.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degaanka.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isku soo hadal qaaday sidii loogu hortagi lahaa weerada Al-Shabaab ay ku soo qaadayaan degaanka.

Sidoo kale saraakiishii kulanka ka qeybgalay ayaa soo jeediyay in la tayeeyo ciidamada iyo in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada.

Xasan Makaraan Xaaji guddoomiyaha degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay weerari doonaan tuulooyinka ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dagaalka Al-Shabaab hal dhinac loogu soo horjeeto.

Degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan weerar ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxaa ka dhacaayay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac sidoo kalena ay ku barakaceen dad aad faraban.