Iyadoo goor dhow uu si rasmi ah u furmay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo khudbado ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay amniga.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay arrimaha amniga, waxaa uu si weyn uga hadlay howlaha hor-yaala amniga, gaar ahaan la dagaalanka Shabaab.
Madaxda dowlad goboleedyada ayaa khudbado ka jeediyay furitaanka shirka, waxaana madaxdii hadlay ka mid ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo soo jeediyay in la fuliyo dhamaan heshiisyadii hore ee shirarkii hore ay yeesheen.
Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta jirta, si loo hiigsado halka loo socdo, isagoo xusay in dowladda Federaalka aysan u arag dowlad goboleedyada xisbi siyaasadeed oo la tartamaya.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaanada maamulkiisa, fatahaadihii uu sameeyay wabiga Shabeelle iyo culeyska maamulkiisa ka heysto Al-Shabaab oo gacanta ku haya deegaano badan.
Inkastoo khudbadaha Madaxda ay ahaayeen kuwo furitaan ah, hadana waxaa la filayaa in madaxda ay si hoose uga wada hadlaan arrimaha hor-yaala iyo sidii ay isugu raaci lahaayeen.
Shirka oo maanta furmi ayaa qorshihiisa yahay inuu socdo labo cisho, waxaana la filayaa in berri la soo gabagabeeyo, haddii aanay soo bixin caqabado suura gal ka dhiga in shirka sii dheeraado, sida ay horay u dhacday.