Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ka qayb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalo Madaxda Gobolka Mudug ee Galkacyo
Madaxweynaha oo ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii isdaba jooga ahaa ee Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku dhax maray Magaalada Garoowe ayaa shacabka reer Galkacyo u sheegay in rajo wanaagsan ay kasoo baxeen kulamadii Caleemo saarkii kadib ka dhacay Magaalada Garoowe
Waxa uu sheegay in la isku fahmay in lawada shaqeeyo Dowlada dhexena ay ogolaatay in ay la shaqeeyo Maamul Goboleedyada lana xaliyo tabashooyinka ay qabaan Maamul Goboleedyada isla markaa Labaatanka bisha Sedexaad ee Marso dib loogu laabto Magaalada Garoowe si loo dhameysto wadahadalada loona xaliyo Tabashooyinka jira


