Friday, February 13, 2026
HomeDhageysiAkhriso+Dhageyso:- Xisbiga Midawga Nabadda Iyo Horumarka Oo War Kasoo Saaray Shirka London

Akhriso+Dhageyso:- Xisbiga Midawga Nabadda Iyo Horumarka Oo War Kasoo Saaray Shirka London

Shir lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7-da bisha February ka furmaya magaalada London ee Caasimadda UK.

Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Shidaalka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay Khayraadka dadka Soomaaliyeed ay wada leeyihiin, In loo hawlgalo Suuq-gayntiiasa, Heshiis la gelid shirkado kale iyo shati bixin waxaa jira tallaabooyin badan oo ka horeeya.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa caddeeyey mawqifkiisa ku aadan Shirkaas iyo guud ahaan arrimaha shidaalka Soomaaliya, kana Soo saaray war-murtiyeed.

Dhinaca Kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Ka Mid Ah Baarlamanka Aqalka Hoose Ee Dalka Isla-Markaana Ah Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga Midawga Nabadda Iyo Horumarka Oo La Hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa Faah-Faahin Ka Bixiyey Qodobada Ay Soo Saareen.

Sidoo Xildhibaan Fiqi Waxa Uu Sheegay In Shirkaan Haba-Yaraatee wax Faaido Aysan Ugu Jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe