Home Warar SAWIRRO: Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka oo kulan Laqaatay madaxda sare...

SAWIRRO: Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka oo kulan Laqaatay madaxda sare ee Bangiga dhexe

229

Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka ayaa maanta la kulmay madaxda sare ee Bangiga dhexe ee dalka.

Masuuliyiinta Bangiga dhexeayaa Guddiga la wadaagay waxyaabaha u qabsoomay, hormarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka Mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay masuuliyiinta Bangiga dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.

Kulamadan ay inta badan Guddiga Maaliyadda la yeeshaanMadaxda Bangiga dhexe ayaa ah mid lagu xoojinayo la socodka Xaaladaha maaliyadeed iyo adeegyadda Bangiga.