Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ururka Al-shabaab xalay ay ku qaadeen degaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, una dhaw xuduudka dalka Kenya.
Saraakiisha ammaanka maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen ilaa Lix dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kale oo dhaawac ah.
Xuseen Xasan Maxamed (Xuseen Dheere) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in xubno ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Jubbaland ay ku lahaayeen degaanka Kulbiyow.
Sarkaalkan ayaa wuxuu sheegay ninka dhaawaca ah in ay qabteen isaga oo meel yaalla kadib markii ay ka carareen raggii la socday, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ciidanka Jubbaland ay qabteen Hub ay lahaayeen ragga ka tirsan Shabaab.
“Nimankii qawaarijta ahaa ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidanka ay ku lahaayeen Kulbiyow, magaalada ma aysan gelin, waxaan ka dilnay ilaa Lix nin, waxaan kaloo ka dhaawacnay xubin kale, waxa kaloo jirta inaan hub gacanta ku dhignay, nimankan waala yaqaanaa waa cadow ma jecla in shacabka ay ku noolaadaan nabad.” Ayuu yiri Sarkaalkan.
Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku haya ninkan Shabaab ka tirsan ee gacanta lagu dhigay, waxaana maamulka uu sheegay in ay la tacaali doonaan dhaawaca ninkan soo gaaray, intaasi kadib sharciga la horgeyn doono.