Wednesday, September 23, 2026
HomeWararGudahaKooxda Lafta-gareen oo beenisay inuu aqbalay xabad-joojin ka dhacda Koonfur Galbeed

Kooxda Lafta-gareen oo beenisay inuu aqbalay xabad-joojin ka dhacda Koonfur Galbeed

Bayaan kooban oo ka soo baxay kooxda madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya inuu aqbalay xabad-joojin laga sameeyo Koonfur Galbeed.

Afhayeenka kooxda, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga, ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo xabad-joojin ah oo Lafta-gareen uu la galay shaqsiyaad ku howlan xalinta xiisadda ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

“Ma jiraan wadahadal go’aan looga gaaray xabad-joojin oo shaqsiyaad iyo Madaxweynaha DKGS Mudane Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto waxa uu ku tilmaamay “halganka iyo dib u xoreynta” deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo xusay inay doonayaan in maamulka iyo deegaanada Koonfur Galbeed ay dib ugu soo laabtaan gacantooda.

“Halganka iyo dib u xoreynta deegaanada KGS wuu sii socon doonaan ilaa laga xoreeyo, dadkeennuna gobannimadooda iyo sharaftoodu gacantooda kusoo laabto, Insha Allah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli xaaladda magaalada Baydhaba iyo duleedkeeda ay deggen tahay, inkastoo ciidamada dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadeed ay weli isku horfadhiyaan meelaha ka baxsan magaalada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale Baydhaba ka wada abaabul ciidan, iyadoo magaalada la geeyay ciidamo dheeraad ah. Dhanka kale, ciidamada taabacsan Lafta-gareen ayaa weli ku sugan xeryahooda, halkaas oo laga soo sheegayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Xaaladda Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid cakiran, iyadoo dhinacyada siyaasadda isku haya ay weli ku kala aragti duwan yihiin mustaqbalka maamulka iyo habka loo wajahayo xiisadda ka taagan Baydhaba.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe