Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland ayaa Hawlgalo ay Kasameeyeen Magaalada Kismaanyo waxa ay kusoo Qabteen Waxyaabaha Maanka Dooriya oo si dhuumaalaysi ah Loogu iibiyo Gudaha Kismaanyo.
Boolisku ayaa Gacanta Kusoodhigay Nin sidey 28 KG oo ah waxyaabaha maanka dooriya ah,waxaana isla maanta lagu soo bandhigey xarunta Booliska Jubbaland.
Ciidamada ayaa Waxa ay sheegeen in sidookale Hawlgalka ay Kusoo Qabteen Kooxihii Magaalada Soogaliyay Waxyaabahaani Maanka Dooriya.

  

