Saturday, May 30, 2026
HomeWararRW Rooble” Farmaajo ayaa soo weeraray Xafiiskeyga si uu u boobo doorashada”

RW Rooble” Farmaajo ayaa soo weeraray Xafiiskeyga si uu u boobo doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay yihiin isku day  bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Xafiiskiisa ayuu sheegay in Farmaajo saakay weerar ciidan uu kusoo qaadya Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha & Xarunta Golaha Wasiirada si uu uga horjoogsado gudashada waajibaadkiisa Shaqo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tlmaamay in ujeedada  Farmaajo uu ka leeyahay tallaabooyinkan gurracan ee sharciga baal marsan waa in uu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo  si sharci darro ah ,si la mid ah isku daygii fashilmay.

Waxaa uu faray dhamaan Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida inay ka amar qaataan Xukuumadda, isla markaana ciddii fulin weysa amarkaas ay sharciga la tiigsan doonaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta wuxuu sheegay in Farmaajo uu yahay musharax lamid ah musharrixiinta kale, wuxuuna ku amray Saraakiisha Ciidamada in aysan ka amar qaadan Farmaajo, isaga oo cadeeyay inay ka go’an tahay in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe