Saturday, May 30, 2026
HomeWararDoorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Kismaayo

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Kismaayo

Waxaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka socota doorashada lix kamid kuraasta golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Jubbaland, iyada oo shalay la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta 12 musharrax.

Kursigii ugu horreeyay ee doorashada Maanta ayaa dhacday, waxaana kusoo baxay gudoomiyihii Gudiga doorashooyinkii heer Madaxweyne ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe, kaas oo lagu Magacaabo Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre Waxuu helay 69 Cod, halka Axmed Maxamed Maxamuud oo la tartamayey uu helay 17 cod, Waxaana halaabay 15 cod, sidoo kale waxaa bilaabatay doorashada kursiga HOP 108 waxaana ku tartamaya Maxamed Cali Cumar iyo
Ibraahim Cabdulle Ibraahim.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe