Saturday, May 30, 2026
HomeWararGudahaCiidanka Laftagareen oo weeraray Baydhabo

Ciidanka Laftagareen oo weeraray Baydhabo

Ciidamo ka amar-qaato Madaxweynihii laga saaray Magaalada Baydhabo, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saakay weeraray Saldhig Ciidanka DowladaFederaalka iyo kuwa Badbaadada Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Baydhabo waxaana ka dhacay Dagaal culus.

Dagaalka xooggiisa Ayaa waxaa uu ka dhacay dhinaca Suuqa Xoolaha labada dhinac waxay ku dagaalamayeen ku dhawaad saacad inkasta oo dagaalku joogsaday.

Saraakiil katirsan Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa u sheegay warbaahinta  in ay gacanta ku dhigeen ciidamo dhaawac ah iyo Gaari nooca cabdi bilaha loo yaqaan oo ku xiran yahay qoriga Suugga loo yaqaan ee labada dhuun leh.

Kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda kasoo cusboonaatay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu haatan u socdaa saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana si hordhac ah loo sheegay in marka hore la xoojiyo goobaha duullaanka Ciidankaas wajihi kara.

Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dhawaan sheegay in uu la dagaalami doonno ciidamada ka amar qaata Cabdicasiis Laftagareen ee dhowrka jeer weeraray saldhigyada ciidamada ammaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe