Home Warar RW Khayre oo Saacadaha soo socda ka soo dagaya Dhuusa-mareeb

RW Khayre oo Saacadaha soo socda ka soo dagaya Dhuusa-mareeb

430

Waxaa Saacadaha soo socda lagu wadaa in Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Galmudug uu soo gaaro Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan Golaha wasiirada Xukuumadiisa.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa yimid kadib baaqii madaxda maamul goboleedyada ee ahaa in Madxada Qaranka Dhuusa-mareeb ay uga soo qayb galaan shirka Amniga Qaranka.

Dhuusa-mareeb hada waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada balaaran ee loogu jiro soo dhaweynta RW Khayre.

Waxaa dhanka kale la sugayaa bari in uu soo gaaro Magalaad Dhuusa-mareeb Madaxweynahya Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo oo dhankiisa aqbalay Baaqa Madaxda Maamul Goboleedyada.