Sunday, March 15, 2026
HomeWararFaah-faahin:-Diyaarad Goor dhaw ku Bur-burtay Baladweyn iyo Dab xoogan oo ka kacay

Faah-faahin:-Diyaarad Goor dhaw ku Bur-burtay Baladweyn iyo Dab xoogan oo ka kacay

Diyaarad Xamuul ayaa Goordhaw waxa ay ku dhacaday garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliifa ee Magaalada Baladweyn.

Warar Madax banaan ayaa sheegay in Diyaarad ay laheed Dawlada Jabuuti waxaana ay qayb ka aheed Diyaarado raashin ka soo daabulayay Dalkaasi jabuuti si loogu caawiyo Dadka ay Fatahaaduhu Saameeyeen ee ku nool Xarunta Gobolka Hiiraan.

Duuliyihii Waday Diyaarada iyo Saddex ka mid ah Caawiyayaashiisa oo saarnaa Diyarada ayaa La sheegay in shilkaan ay ka Badbaadeen.

Kadib shilka diyaarada ayaa Dab ka kacay waxaan Durba Garoonka gaaray gaadiidka Dab damiska Ciidamada Amisom oo ku hawlan Daminta Diyaarada Dabku qabsaday.,

Wali Shilkaan kama aysan hadlin Dawlada Jabuuti,DFS iyo Maamulka Hir-shabeelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe