Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno katirsan Ururrada Bulshada Rayidka iyaga oo kawada hadlay xaaladda guud ee Dalka isla markaana isku dhaafsaday talooyinka muhiimka ah.
Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay talooyinka uga yimid Ururrada Bulshada Rayidka ah isaga oo ku bogaadiyay doorka ay ku lahaayeen dowlad-dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhimsha Jamhuuriyadda 3aad.
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin oo kulankaas kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dalka uu ka gudbayo xaaladda loo garanayo kala guurka iyo kumeel-gaarnimada.
Xasan Macallin ayaa xusay in Dadka Soomaaliyeed ay soo dooran doonnaan Dowladda soo socota waa marka uu idlaado muddo xileedka Xukuumadda hadda shaqayneysa ee Dan-Qaran waa sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha Dalladda SONSA, Cismaan Shaatax ayaa dhankiisa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ay kala hadleen sii ambaqaadista dedaallada wadahadallada.
Ururrada Bulshada Rayidka ayaa dhowaan kulamo la qaatay xubno katirsan Mucaaradka Dowladda iyaga oo kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wadahadallada & kulamada looga arrinsanayo Mustaqbalka Dalka.

