Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa abaabul ciidan ka bilowday gobolka Bakool, iyadoo ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu diyaariyey magaalada Xudur, kuwaas oo la sheegay in loo qorsheynayo hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ciidmada la safan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Abaabulka ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ugu waaweyn ay wadaan Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad, oo saldhig ku leh magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada la diyaariyey ay qayb ka yihiin qorshe lagu xoojinayo amniga gobolka, laguna doonayo in lagula dagaallamo Al-Shabaab iyo xoogagga kale ee hubaysan ee ka hawlgala deegaannada gobolka.
Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda amni ee deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.
Xiisadda ayaa sare u kacday kaddib markii xoogag taabacsan Lafta-gareen ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Bay, halkaas oo laga soo sheegay isbeddello ku saabsan gacan ku haynta deegaanno muhiim ah.
Dhanka kale, gobolka Bakool ayaa weli wajahaya caqabado amni oo la xiriira joogitaanka Al-Shabaab iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubaysan. Maamulka gobolka ayaa hore u sheegay in loo baahan yahay hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, laguna soo celinayo deegaannada ay kooxdu maamusho.
Inkasta oo abaabulka ciidamada Xudur uu muujinayo diyaar-garow amni, haddana weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee hawlgallada la qorsheynayo ay bilaabanayaan, goobaha ugu horreeya ee ay ka dhacayaan iyo baaxadda ciidamada ka qayb qaadan doona.
Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya in ciidamada la diyaariyey ay durba bilaabeen dagaal ka dhan ah xoogagga taageersan Lafta-gareen.

