Tuesday, May 5, 2026
HomeWararGudahaJeneraal Odawaa Yuusuf Raage lagu celiyay barkontarool oo ku Taalla Muqdisho

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage lagu celiyay barkontarool oo ku Taalla Muqdisho

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage lagu celiyay barkontarool oo ku taala magaalada muqdisho isagoo watay hub culus iyo gaadiid ciidan, arrintaas oo si degdeg ah u dhalisay muran iyo gacan ka hadal.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in maalmahan dambe uu jiray cadaadis xooggan oo kaga imaanayay dhinaca dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la sheegay in qorshe lagu doonayay in hubka laga dhigo Jeneraalka.

Ciidamada ku sugan barkontaroolka ayaa ku dooday in aan la ogolaan karin in hub iyo gawaari ciidan lagu dhex maro magaalada si aan fasax buuxa loo haysan, balse Jeneraal Odawaa wuxuu adeegsaday awooddiisa, taas oo keentay inuu gaariga kasoo dago sida ay muujinayaan muuqaallo lagu Baahiyay Baraha Bulshada.
Madaxweyne xasan ayaa waqtigiisa ku egyahay 15may2026 maalmahaan mucaarad waxey wadaan dhaqdhaqaaq aad u weyn iyo diyaar garowga 15may2026 , maadaama xasan sheekh uu aaday wadada awooda .

Xaaladdu waxay muujineysaa kala shakiga iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee gudaha hoggaanka ciidamada.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe