Wednesday, February 11, 2026
HomeWararR/W Kheyre Oo Kormeeray Qaar Ka Mid Wasaaradaha Dalka

R/W Kheyre Oo Kormeeray Qaar Ka Mid Wasaaradaha Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.

Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ah ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dowladda ayuu u jeedkiisu ahaa adkaynta isla xisaabtanka ee ku salaysan daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha Dowladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe